NUUN Youth Opportunities waa madal gaar ah oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaalida ah, si ay uga faa’iideystaan fursadaha caalamiga ah ee horumarineed. NUUN Youth Opportunities waxay kuusoo gudbinaysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan fursadaha waxbarasho, tababarro, shaqooyin iyo barnaamijyo caalami ah oo kor u qaadaya xirfadaha iyo aqoonta dhalinyarada Soomaalida ah.
Ujeedada ugu weyn ee NUUN Youth Opportunities waa in la taageero dhalinyarada Soomaalida ah si ay u hantaan fursado muhiim ah oo ay uga qayb qaataan horumarinta bulshada caalamka, isla markaana ay uga faa’iideystaan fursadaha laga heli karo dunida kale. Platform-kan wuxuu ka shaqeynayaa sidii dhalinyarada Soomaalida ah ay ugu xidhmi lahaayeen bulshada caalamka, iyagoo la wadaagaya macluumaadka iyo agabyada ay u baahan yihiin si ay u gaadhaan himiladooda iyo yoolalkooda mustaqbalka. Waxaan aaminsanahay in dhalinyarada Soomaalida ah ay leeyihiin karti iyo xirfad ay dunida kaga dhex muuqdaan.
NUUN Youth Opportunities waxay u tahay dariiq ay ku gaadhaan himilooyinka ay leeyihiin iyo inay helaan fursado wax ku ool ah oo ay ku hormariyaan naftooda iyo bulshadooda. #nuunyouthopportunities