APPLICATION IS OPEN FOR THE 5TH AFRICAN YOUTH LEADERSHIP AND ENTREPRENEURSHIP DEVELOPMENT CONFERENCE (AYLEC) ZAMBIA 2025!

Shirka Hogaaminta Dhalinyarada iyo Ganacsiga Afrika (AYLEC25) waa madal firfircoon oo isku keenta hogaamiyeyaasha dhalinyarada, wakiilada dowladaha, advocates-ka isbeddelka bulshada, ganacsatada, cilmi-baadhayaasha, iyo daneeyayaasha kale. AYLEC25 waxa uu ka shaqeeyaa xoojinta mideynta iyo dhiirrigelinta horumarka waara ee Afrika.

Shirka sanadkan ahi waxay uu dhacayaa kalkii 5aad waxayna ka dhici doontaa magaalada quruxda badan ee Lusaka, Zambia, laga bilaabo July 21 ilaa 26, 2025, ee Golden Peacock Hotel, Lusaka Zambia. Nooca sanadka ee shirkan wuxuu noqon doonaa mowduuca ‘Hogaamiyayaasha Mustaqbalka ee Afrika: Isdhexgalka Hal-abuurnimada, Waarta, iyo Yoolalka Caalamiga ah‘ waxaana loogu talagalay in lagu gaadho saameyn weyn iyadoo la isu keeno Hogaamiyeyaasha Dhalinyarada Afrika ee Isbeddelka Bulshada, Ganacsatada Bulshada, Macalimiinta, Cilmi-baadhayaasha, Shirkadaha Horumarinta, Hay’adaha Caalamiga ah, Warbaahinta iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah ee Afrika.

Shirka wuxuu ka kooban yahay seddex maalmood oo kalfadhiyo iyo doodo furan ah, hal workshop naqshadeyn ah, iyo hal maalin oo booqasho waxbarasho ah oo loo tagayo Victoria Falls ee Livingstone iyo goobaha taariikhiga ah ee gudaha magaalada Lusaka. Sidoo kale, wakiilada iyo martida kale waxaa lagu martiqaadi doonaa casho sharaf oo loo qaban doono xafladda xidhitaanka, iyadoo lagu guddoonsiinayo shahaadooyin iyo Abaalmarino Sharaf leh dhammaan kasoo qeyb galayaasha iyo shaqsiyaadka fir fircoon.

Sidoo kale, Shirku waxa uu noqon doonaa Self- funded amma in aad adigu isku qabto dhammaan kharashaadkaaga Duullimaad, Hoygaaga & Cuntadadaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top